Guddida taakulaynta Suuqii gubtay oo baaq diray

Guddida suuqii gubtay ee Wajaale, ayaa bulshada ka codsaday in la soo caawiyo dadkii hantidooda ku waayay dabkii suuqa Wajaale.

Guddida suuqa gubtay ee Wajaale ayaa bulshada gudda iyo dibedba ka codsaday qofkasta wixii awoodiisa ah in uu ku taro dadka ku hanti beelay masiibadii dabka halakeeyay hantidoodii.

Ganacsatada suuqa Wajaal, ayaa wax-yeelo xoogan ka soo gaadhay dabkii ka kacay suuqii ay hantidu u taalay ee Wajaale, waxaana halkaasi ku burburay hanti aad u badan oo ay la haayeen muwaadiniintaasi, kuwaasi oo hal habeen ku caydhoobay, una baahan hadda in la gacan qabto si ay dib ugu bilaabaan ganacsigoodii iyo u shaqaynta bulshadoodii.

Muwaadin kasta oo ku ganacsanayay suuqa Wajaale waxaa uu maanta bulshadiisa uga baahan yahay in la gacan qabto oo wax la taro, siu u u soo noqdo dhaq dhaqaaqa suuqii gubtay ee Wajaale, kaasi oo kaaln wayn ugu jiray isu-socodka ganacsi ee dalka.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mida guddida suuqa basbeelay ee Tog-wajaale, oo ku hadlayay afka guddida suuqa gubtay ee Wajaale ayaa ku booriyay dhammaan bulshada awood ahaan karaysa in ay wax ku taraan ganacsatadaasi in ay ku biiriyaan karaankooda si loo helo suuqii Wajaale oo shaqadiisii dib u bilaabantay waxaanu yidhi “Qof waliba wixii uu karro dibed inaynu isku darno ayaa innagu waajiba, oo aynu ka farxino walaalaheena hantidoodii ku waayay dabkii suuqa Wajaale, sidii kuwii horeba aynu u caawinay, ILLAAHEYNA sidaasi ayuu maalkeena balaadaya uga duwayaa, oo sadaqada ayuu innoogu barakaynayaa, walaaltinimana sidaasi ayuu ku wanaagsanaanayaa,”