Somaliland: go’aamada ka soo baxay shirka Madasha dhaqaalaha

SHIRWEYNAHA 2 EE MADASHA DHAQAALAHA 2023

NUXURKA QODOBADA GUUD EE SHIRKA

Date: 15/10/2023

Go’aamada shirwaynaha labaad ee Madasha Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland:

1. Shirku waxa uu soo jeedinayaa in dawladda iyo shacabka Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii dhaqaalaha Somaliland loogu bedeli lahaa dhaqaale ku fadhiya Adeeg Bixin (Service Economy) si loo dardar galiyo Horumarka Dhaqaalaha dalka.

2. Iyada oo laga ogsoonyahay doorka ay ku leedahay waxbarashadu gaar ahaan xirfaduhu Horumarinta Dhaqaalaha, shirku waxa uu ku baaqayaa in mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta waxbarashada gaar ahaan xirfadaha (Human Capacity Development).

3. Shirku waxa uu ku baaqayaa in dawladda iyo shacabka Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii dhaqaalaha Somaliland ugu faa’iidaysan lahaa adeegsiga Tiknoolajiga (Digital Economy).

4. Fududaynta maalgashiga kala duwan waa furaha Horumarka Dhaqaale sidaa awgeed waxa shirku soo jeedinayaa in la xaliyo caqabadaha ay la kulmaan dadka raba in ay maalgashadaan dalka sidoo kalena hay’adaha Dawladdu ay yeeshaan wadashaqayn dhaw oo la xidhiidha maalgalinta.

5. Shirku waxa uu ku baaqayaa in dawladda iyo shacabka Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii dhaqaalaha Somaliland ugu faa’iidaysan lahaa adeegsiga Tiknoolajiga (Digital Economy).

6. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha (Hard Infrastructure and Soft Infrastructure) waa laf-dhabarta Horumarka Dhaqaale sidaa awgeed shirku waxa uu ku baaqayaa in la fududeeyo maalgalinta dhinacyada dhaqaale ee soo socda:

• Tamarta

• Macdanta iyo Shidaalka

• Waddooyinka

• Biyaha

• Heshiisyada Ganacsi ee Somaliland la leedahay Waddamada Jaarka ah (Trade and Transit agreements)

• Tiknoolajiyadda

7. Shirku waxaa uu ku baaqayaa xoojinta hay’adaha Maaliyadda sida baananka iyo Shirkadaha Caymiska si ay kaalintooda ay uga qaataan horumarka dhaqaalaha dalka.

8. Shirku waxa uu ku baaqayaa in la dhamaystiro shuruucda fududaynaysa Horumarinta Dhaqaalaha sida shuruucda la xidhiidha maalginta.