Sanaag: Taani oo kormeeray Taliska Ciidanka Qaranka

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeeray xeryaha ciidanka ee magaalada Ceerigaabo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa soo kormeerey Xeryaha Ciidamada ee Magaalada Ceerigaabo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa waxa uu xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee qaybta saddexaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Sarreeyo guuto Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub ee dhawaaan xilkaasi loo soo Magacaabay Gaashaanle Sare Cabdilaahi Suufi.

Taliye Taani ayaa sidoo kale u kuurgalay xaalada ciidamada xeryaha Ceerigaabo, sidookale waxa uu soo maray dhammaan fadhiyada ciidamada qaybta 3-aad ee gobolka Sanaag, waxaanu ciidamada ku adkeeyay ilaalinta nabadgelyada guud.