Hargeysa: Guri dab qabsaday

Guri Jiingad ah oo dab Qabsaday magaalada Hargeysa, ciidamada Dabdemiska oo u gurmaday

Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala xaafada 150 ka.

Dabkan ayaa halis galiyay guryihii u dhawaa waxaana ciidanku dabkaa ka badbaadiyeen guryihii kale.Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco. Isla marka dabku dhacana soo wargeliyaan inta dabku yaryahay.

Haddii aad la kulanto masiibo dab soo wac 990 24 ka saacadood.