𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝘂 𝗕𝗶𝗹𝗼𝘄𝗱𝗮𝘆 𝗤𝗮𝘆𝗯𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗕𝘂𝘂𝗴𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗻𝗵𝗮𝗷𝗸𝗮

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 -(GNA)Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska JSL oo ka wakiila xukuumadda ayaa bilowday qaybinta bugaagta Manhajka Qaranka ee loogu talo galay degmooyinka iyo gobollada dalka, gaar ahaana ardayda wax ka barata dugsiyada dawliga ah.

Buugaagtan oo tiradoodu dhamayd Sagaal iyo sodon kun laba boqol iyo koob iyo lixdan (390261) buug ayaa ah buugaag uu Madaxweynaha JSL ugu talo galay in la gaadhsiiyo ardayda kala duwan ee wax ka dhigata dugsiyada dawliga ah.

Munaasibada lagu ambabixinaayay buugaagtan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasahada iyo xubno ka mida agaasime waaxeeda wasaaradda waxbarashada.

Agaasimaha waaxda waxbarashada tooska iyo Agaasimaha waaxda xog-isgaadhsiinta oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay buugaagtan halka lagayn doono iyo sida loo qaybinayo.

Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasahda ayaa sheegay in buugtan loogu talagalay ardayda kala duwan ee dugsiyada dawlada wax ka dhigata, iyagoo fariin u diray guddoomiyeyaasha gobollada iyo maamulayaasha in ay xil wayn iska saaraan sidii buugaagta loo gaadhsiin lahaa ardayda.