Daah-furka mashruuc ku kacay Lix Milyan oo Dollar oo laga fuliyey Awdal

Madaxweyne ku xigeenka JSL, mudane Cabdiramaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga si rasmi ah uga jaray Mashruuca biyo balaadhinta galbeedka Magaalada Boorama, kaas oo laga maal galiyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Munaasibada xadhig ka jarista Mashruucan waxaa ka qayb galay wasiiradda wasaaraddaha, biyaha, qorshaynta, ganacsiga, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degaan ee gobolka Awdal iyo marti Sharaf kale.

Mashruucan ayaa ka koobaan saddex ceel biyood, dhigista 19-km oo ah oo beebabka biyaha gaynaya magaalada, laba taangi oo waa weyn isla markaana midkastaba qaadayo 500,000 oo litir oo biyo ah.

Hirgelinta mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona biyo yaraantii ka jirtay Galbeedka magaalada Borama, waxaana loogu tallo galay inay ka faa’idaystaan dad gaadhaya 90,000 (sagaashan kun).