Addis oo lagu qabtay shir lagaga hadlay khayraadka Baddaha

Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka khayraadka kalluunku uu aad ugu badanyahay, isla markaana leh fursado laga ga abuuri karo koboc dhaqaale oo aad u baaxad weyn.

Hay’adaha dawladda ee qaabilsan ganacsiga, suuqyada caalamiga ah, rugta ganacsiga & tayada ee Somaliland iyo 17 ka mid ah shirkadaha kalluumaysiga Somaliland ayaa shir kaga qayb galaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia

Shirkaasi oo ku saabsan kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Hay’adaha kala duwan ee Somaliland waxa ay shirkaasi u joogaan sidii ay u dardar gelin lahaayeen wadaagaha kalluumaysiga ee dalka, raadinta suuqyo calami ah oo kalluunka dalka loo dhoofiyo iyo la kulanka hay’adaha iyo maalgashadayaasha dhinaca dhaqaalaha Buluugga ah (Blue Economy) ee shirkaasi qaybta ka ah waddammada Geeska Afrika.

Somaliland, Ethiopia, Kenya, Jabuuti & Soomaaliya) ayaa ka qayb galaya shirkan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay shirkadaha kalluunka ee dalalka Geeska Afrika, hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

Maal-gashadayaasha muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay ee silsiladda sahayda kalluunka soo-saareyaasha kalluunka, gaadiidleyda iyo saadka, ganacsatada kalluunka, dhoofiyeyaasha kalluunka, soo-dejiyaasha kalluunka, isticmaalayaasha kalluunka sida huteellada iyo makhaayadaha.