Joogtada guurtida oo la kulmay Wasiirka Dastuurka

Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta kulan is xog waraysi ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi .

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyey u jeedka kulanka ,waxaanu wasiirka iyo masuuliyiinti la socotay ku bogaadiyey soo ajiibida kulanka ay Gudida Joogtada ahi ugu yeedheen.

“ Waa idinka Mahadcelinaynaa sida aad usoo ajiibteen kulanka aanu idinku yeedhnay iyo wada shaqaynta Golayaasha Qaranka “.ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gudida Joogtada ee Golaha guurtida Somaliland .

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Mudanayaasha Gudida Joogtada ee Golaha Guurtida uga war bixiyey Hawlaha shaqo ee ay Qaranka uga wakiil tahay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland iyo weliba Guulihii ay Wasaaraddu ku Talaabsatay Mudadi uu Joogay ,Waxaanu Wasiirku ka Jawaabay Su’aalo ay waydiyeen Xildhibaanada Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida JSL.

Ugu dambayntii Xildhibaanada Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Wasiirka Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ku bogaadiyey Shaqada Wanaagsan ee uu Qaranka u hayo .

Kulankaas waxa wasiirka ku wehelinayey qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La taliyayaasha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland.