Taiwan oo ku xustay madaxbanaanideeda Hargeysa

Safaaradda dalka Taiwan uu ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qabatay munaasibad ay ugu dabaal degaysay sannad guuradda 112-nad ee kasoo wareegtay markii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka Shiinaha, taasoo habeenkii jimcaha ka dhacday Hargeysa. Munaasibad ballaadhan oo ay mas’uuliyiinta safaaradu ku qabten caasimadda Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Somaliland, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Safiirka dalka Taiwan u fadhiya JSL, Allen C, Lou, ayaa uga mahadceliyey Somaliland saaxiibtinimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya, isaga oo sheegay in ay farxad u tahay dalkiisa Taiwan in uu helo Saaxiib sida Somaliland oo kale ah. Safiirka dalka Taiwan u fadhiya dalkan Jamhuuriyada Somaliland Mr Allen waxa uu ka waramay taariikhdii ay usoo mareen shacabka dalka Taiwan in ay xornimadooda helaan, isaga oo tilmaamay in ay shacabka Taiwan u dagaalameen sidii ay u heli lahaayeen madax-bannaani,koboc dhaqaale iyo Dimuqraadiyad. Geestooda,waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil iyo mas’uuliyiin kale, waxaanay shacabka dalka Taiwan ku hambalyeeyeen xuska sannad guurada markii ay xoriyadooda kala soo noqdeen dalka.