𝗪𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗮 𝗭𝗶𝗺𝗯𝗮𝗯𝘄𝗲 𝗼𝗼 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻 𝗗𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 2023

𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 -(GNA) Shirka Madasha Dhaqaalaha Somaliland ee 2023-ka oo la qorsheeyay inuu 13-ka ilaa 14-ka bishan October ka qabsoomo Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa ah ballan-qaad ballaadhan oo la xidhiidha horumarinta Maal-gashi waara oo mandaqada ah.

Warbixin wargeyska Bulawayo 24 News, ee dalka Zimbabwe lagu daabacay shalay oo la xidhiidha Shirka Madasha Dhaqaalaha ayaa lagu sheegay in kulamo gaar-gaar ah oo ujeedadoodu tahay ka-hortagga caqabadaha, sahminta fursadaha, iyo dhiirigelinta wada-shaqeynta hay’adaha dawladda iyo hay’adaha sharci-dejinta ay socdaan, isla markaana lagu wado in ay noqoto madal lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Horumarinta Wershadaha, Maxamed Cismaan Siciid, oo la weydiiyey dareenkiisa kulanka, ayaa sheegay in dedaal loogu jiro sidii loo soo jiidan lahaa maal-gashiyada dalal kala duwan ee caalamka.

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee Madasha Dhaqaalaha Somaliland 2023 ayaa ah in kor loo qaado maalgashi waara oo gobolka ah.

Tani waxa ay keenaysaa in la soo jiito maal-gashi aan faa’iido uun dhalin, balse sidoo kale ka qayb qaata horumarinta mustaqbalka fog ee dhaqaalaha iyo bulshada Somaliland. Iyada oo loo marayo fadhiyada la beegsanayo iyo doodaha golayaasha, saraakiisha dawladda, khubarada warshadaha, iyo maalgashadayaasha suurtagalka ah waxay keeni doonaan wada-hadallo midho dhal ah oo ku saabsan muhiimadda joogtaynta iyo dhaqamada ganacsi ee mas’uulka ah.

Kulankan ayaa noqon doona mid la isugu keeno dhinacyada ay khusayso, wax ka qabashada caqabadaha jira, sahanka fursadaha, iyo ka shaqaynta sidii loo gaadhi lahaa barwaaqo iyo mustaqbal waara oo Somaliland yeelato.