Maxamuud Xaashi: Bishii Doorashadu way bilatay ee..”

Qormadan waxa qoray siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu ku hillaadiyey bilowga geediga Doorashooyinka dalka ku soo fool leh.

Somaliland ayaa loo madlan yahay in dhamaadka sanadka 2024 loo dareero Doorasho kale oo isa-saar ah, taasoo lagu dooranayo madaxweyne iyo saddex Xisbi Qaran, kaddib markii ay sidaas go’aamiyeen ergo beelleed oo madaxdhaqameed ah.

Maxamuud Xaashi waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta Ururrada cusub hogaaminaya ee aqbalay go’aanka Odayaasha Dhaqanka oo isu bedelay qodobo sharci oo lagu kabay xeerka Doorashooyinka.

guddoomiyaha Ururka KAAH Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Siyaasaddu waxay leedahay filan-waa iyo fajicisooyin, aan mararka qaar jilayaasheedu ka fekerin, oo filkanax ku ah, maadaama aanay baarka u fidhan. Fadka iyo Falanqaynta Siyaasadda, lagama fiiriyo faalka, iyo cilmi felega. Haseyeeshee, waxaa laga fiiriyaa, fooraha dabaysheeda iyo faq hoosaadka filkeeda.

Muran dheer oo ma dhalays ah, iyo is maan dhaaf aan miciin dhaamin mindi- mindi ku taag, ayaa u muuqda in uu soo gaba-gaboobayo. Waa Eebbe mahaddii, Mar haddii ay mudanayaasha aqalka wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen, xeerkii doorashooyinka isa saarka ahaa, ee danta la biday.

Xeerkani ma aha, mid gaar u xaqsiinaya, urur ama xisbi gooni ah. Balse, xeerkani wuxuu ku ahaa, urur siyaasadeedyada tunka weyn, ee uu Kaah ka midka yahay, tumaati iyo tantoomo culus oo aan tudhaale lahayn.

Si kasta ha ahaatee, nin aan wuxuu leeyahay ka tegin nin ma aha, ee waxaannu urur ahaan u tanaasulnay danta guud, ee dalkayaga iyo dadkayaga, annaga oo aan waxba weydaarsan (مقابل لا شيء).

Isku soo duuboo, baahi weyn ayay u qabaan bulshada Somaliland, in ay mar uun indhahoodu bidhaamiyaan, bishii doorashada oo bilatay. Waxaan leeyahay daneeyeyaasha, kala duwan ee doorashada, haddii aad sidaad doonayso weydo, sida aad ka fursan weydo ayaa la yeelaa.

Sidaa darteed, aynu caloosha usii deyno doorashada isa saarka ah.

Waxaan leeyahay heestii Geela loo qaadi jiray, marka la soo horayo, Shifo ku afsaar, oo shar kuuma leh.