Maamulka xogta Shaqaalaha hawlgabka ah oo la gorfeeyey

Kulan lagu daah-furayay Qiimaynta iyo Qaabaynta Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Xogta Shaqaalaha Hawlgabka ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankan oo uu guddoominayay guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska, agaasimayaasha guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa halkaas kaga hadlay muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay qaranka gaar ahaan shaqaalaha hawlgabka iyo in nidaamkani uu qayb ka yahay xeerka iyo siyaasadda hawlgabka ee dhawaan ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen. Guddoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan haddii ay noqoto mid farsamo ama mid maamulba.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay nidaamka hawlgabka qaranku iyo in ay tani tahay tallaabo hore loogu qaaday dhinaca dawladnimada maadaama aynu yeelanay nidaam hawlgab oo rasmi ah. Waxa uu Wasiirku masuuliyiintii halkaa joogtay ku boorriyay in ay kala shaqeeyaan Hay’adda Shaqaalaha sidii nidaamkaas loo hirgelin lahaa.

Masuuliyiinta kale ee halkaa ka hadashay ayaa sheegay in tani ay tahay fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’idaysto iyada oo khubaro muwaadiniin ah iyo qaar caalami ahiba ay hawshan kala shaqaynayaan dawladda Somaliland.

Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Xogta Shaqaalaha Hawlgabku waxa uu noqonayaa ka ugu wayn ee xagga maamulka Hawlgabka si loo gaadho ujeeddooyinkii laga lahaa,waana mid ku dhisan hannaanka Tiknoolajiyada Casriga ah, kaas oo ku xidhan xog-kaydiye loogu talagalay.