๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ญ๐ข ๐จ๐จ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐’๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ญ๐ข

๐‰๐€๐๐”๐”๐“๐ˆ -(GNA) Safiirka Somร liland u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Jabuuti.

Furitaanka kalfadhiyada ayaa lagu soo casuumaa diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay Jabuuti.

Danjire Cabdifataax ayaa muddadii uu ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti ka shaqeeyay inuu xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjire Cabdifataax ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta baarlamaanka Jabuuti, wuxuuna ahaa diblomaasiyiinta dalalka caalamka ee lagu martiqaaday kulankaas.