Golaha Wakiillada Somaliland oo ansixiyey wax ka bedelka Xeerkii salka u ahaa khilaafka Doorashooyinka

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod caqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka ee isa saar ka ah, ee madaxtooyada iyo ururada.

Fadhigii maanta ee golaha wakiillada JSL, oo uu guddoominayay Guddoomiyaha golahaasi, Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Fatatoon) waxa goluhu warbixin kaga dhegaystay guddidii is waafajinta doorashooyinka ee goluhu hore ugu saaray, waxaanay guddidaasi golaha u soo jeedisay in la isa saaro labada doorasho iyadoo farsamo ahaan wax lagu daray qoddobada xeerka doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddida goluhu u saaray wax ka badalka xeerka doorashooyinka, Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa golaha u sharaxay qodobada wax laga badalay, kahor intaan si buuxda loo ansixin, waxaanu sheegay in ay wax ka badal ku samayeen xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangalinta codbixiyayaasha qaranka, kaas oo markii hore ka koobnaa 154 qodob, waxaanu xusay inay ku soo kordhiyeen 13 qodob oo cusub.

Sidookale, waxa ay guddida iswaafajinta goluhu kaabis ku sameeyay 35 qodob oo kamid ah Xeer LR 91 ka doorashooyinka ee hore u jiray, iyada oo xogo dheeraad ah lagu daray si loo waafajiyo nidaamka cusub ee doorashooyinka.

Intaas kadib guddoomiye Faratoon ayaa cod galiyay soojeedinta isa saarka doorashooyinka, 64 xildhibaan ayaa ogolaaday soo jeedinta isa saarka doorashooyinka, halka 3 Mudane ayaa ka aamusay, waxa diiday 7 Xildhibaan, sidaas ayuu ku meel maray xeerkaasi oo soo afjaray khilaafkii doorashooyinka ee muddada dheer ka taagnaa Somaliland.

Geesta kale guddoomiye Faratoon waxa uu cod galiyay ansixinta Xeer guud ee doorashooyinka Xeer Lr./91 golaha waxa fadhiyay golaha 75 mudane, waxa ogolaaday 63 mudane, waxa diiday 2 mudane waxa aamusay 9 mudane guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuu ku ansaxay.

Sidoo kale Xeer Lr./14, Xeerka nidaamka asxaabta iyo ururrada Siyaasadda ayuu cod galiyay guddoomiye Faratoon, 75 ayaa golaha fadhiyay 65 Mudane ayaa ogolaaday, 9 mudane ayaa ka aamusay 6 diiday, sidaas ayuu ku ansaxay.

Dhinaca kale xildhibaanada Golaha wakiillada JSL, ayaa ansixiyey tabashadii ay soo gudbiyeen xildhibaanada Gollaha Wakiilada ku matela golaha wakiillada.

Geesta kalena Xildhibaanadda Golaha wakiiladda Somaliland ayaa cod gacan tag ah ku ansixiyeen wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda Mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) waxaa ogolaadey 73 xildhibaan , cid diidey iyo cid ka aamusteyn ma jirin, guddoomiyuhuna ma codeyn sidaasi ayuu ku ansaxay.