Maamulka gobolka Togdheer oo ka hadlay colaada Cali-saahid

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim (Nafaqo) iyo guddida Nabadgalyeda gobolka Togdheer ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ay shaqaaqadu ka tahay ee Cali Saahid, ee hawdka gobolkaasi.

Guddoomiyaha iyo guddida ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Cali Saahid in ay dagaalka joojiyaan nabaadana qataan.

Taliyaha qaybta Booliska Burco ayaa sheegay in ay ka hawlgaleen adkaynta nabadgelyada deegaanadaasi, isla markaasna u direen ciidan ku filan sugida nabadgelyada deegaankaasi oo kor u dhaafaya laba boqol iyo sodon askari si loo xasiliyo shiqaaqada deegaanadaasi.

Sidoo kale ciidanka Booliska gobolka Togdheer ayaa sheegay in shaqaaqadaasi uu ku dhintay 1 qof, halka 6 kalena ku dhaawacmeen, waxaanay sheegeen inay hadda gacanta ku hayaan nabada deegaanadaasi, sidoo kalena aanay wax dhibaato ahi ka jirin, waddaana dadaalo ay ku ogaanayaan cidda bilowday hawshan.

Maamulka gobolka iyo ka Dagmeda Burco ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Cali Saahid ku nool inay dagaalka joojiyaan, nabadana qaataan, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay gacan dawladnimo diyaar u yihiin inay wax kaga qabtaan arrinta deegaanka Cali Saahid ee hawdka gobolkaasi.