Golaha wakiillada oo ansixiyey masuuliyiin

Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod gacan tag ah ku ansixiyey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Cabdi Cismaan (Dhega Weyne) iyo Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Fadhigii saaka ee golaha wakiillada JSL, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Professor Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaana fadhigaas kasoo xaadiray 61 mudane oo ka tirsan mudaneyaasha Gollahaas.

 

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland Cabdi Cismaan (Dhega Weyne) iyo Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ansixiyey 61 mudane, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

 

Dhanka kalena Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland Professor Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ku wargeliyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland in dib loo dhigay fasixii Golahaas muddo 2 toddobaad ah, madaama oo ay Golaha u yaallaan hawlo baaxad lihi, iyada oo xildhibaanada loo qaybiyey lifaaqa wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Ciidamada Qaranka Somaliland oo ay xildhibaanadu soo akhrisan doonaan