Safiirka Somaliland ee Norway iyo kulanka Taageerada Ciidanka Qaranka

Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Aadan Liilan, ayaa qabtay kulan ay ka qayb-galeen Hal-doorka Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi.

Kulankan ayaa lagaga wada-hadlay xoojinta Midnimada Jaaliyadda, taageerada Ciidamada Qaranka iyo dadkii ki Hanti-beelay suuqii gubtay ee Wajaale.

Kulankaasi markii uu soo dhamaaday waxa Saxaafadda uga war-bixiyey Wakiilka Somaliland ee dalkaasi Maxamed Aadan Liilan, waxaanu yidhi “Shirkani wuxuu ahaa shir aad iyo aad muhiim u ah oo jaaliyadda Norway ee Somaliland iskugu timid, wuxuu daaranaa inaanu jaaliyadda War-bixin ka siino waddankii hooyo, inaanu xoojino Midnimada Jaaliyadda iyo inaanu ka wada-hadalno inaanu ka qayb-qaadano taageerada Ciidamada JSL iyo taageerada suuqii Wajaale oo hanti badan inagaga gubatay..”

Safiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi “Wuxuu ahaa shir aad u muhiim ah oo Aniga iyo Jaaliyadda Odayaasheeda iyo Waxgaradkeeda aanu isku waydaarsanay war-bixino badan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaanu isla garanay inaanu ka qayb-qaadano horumarinta waddankeena, difaaca waddankeena iyo inaanu meel uga soo wada jeedsano taageerada Ciidamada Qaranka JSL, waxyaabihii aanu isla qaadanay waxa ka mid ah in Cisbitaalka Oog wixii uu qalab u baahan yahay aanu u dirno, waxa kale oo aanu isku raacnay inaanu guddi u saarno taageerada suuqii Wajaale ee gubtay..”

Ambassador Maxamed Aadan Liilan wuxuu sheegay in shirkaasi ku soo dhamaaday is-afgarad “Somaliland guul baan u rejaynayaa..” ayuu yidhi Liilan.

Waxa xusid mudan in shirkan uu goob-joog ka ahaa xoghayaha Safaaradda Somaliland ee Norway Cabdirixiin Sheekh Daa’uud.