Jabhadii Buurta gacan-libaax oo la kala diray

Salaadiin iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Salaxley iyo Galbeedka Burco, ayaa sheegay inay gabi ahaanba kala direen jabhadii ku jirtay buurta gacan-libaax. Waxa ay sheegeen in aanay jiri doonin ama aanay aqoonsanayn cid dambe oo dambi ku gasha magaca kooxda Dulmi-diid oo ay la baxday dableyda buurtaas saarnayd labadii bilood ee u dambeeyey.

Hogaamiyeyaasha Jabhada ayaa iyaguna cadeeyey inay u hogaansameen go’aanka beeshooda ee ah kala dirista dableyda. Afhayeenkii kooxda ayaa kamida xubnaha hadlay ee go’aankan aqbalaadiisa ku dhawaaqay. Waxa kale oo ay iska fogeeyeen ku lug-lahaanshiyaha koox maanta Gaadhi Dawladdeed ka afduubtay magaalada Burco, kaasoo uu watay Maareeye ku-xigeenka Wakaalada Biyaha Magaaladaasi.

Suldaan Cadde gude oo hogaaminayey Gudi beeleedka Garxajis ee todobaadyadii u dambeeyey ku xadfanaa kala dirista Jabhada ayaa gelinkii dambe ee maanta goob ay ku sugan yihiin qaar kamida madaxda Jabhadu kaga dhawaaqay inay dhankooda ka dhamaatay xaajadii dhalinyarada hubaysan. ”

Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, waxa uu ku dhawaaqay in guud ahaan jabhaddii Gacan-libaax hubkii wareejisay islamarkaana hawshaasi soo dhammaatay.

“ Gelinkii hore-na warar xunxun ayaad maqasheen, laga bilaabo saacadaa cid ku metelaysa jabhadda Gacan-labaax oo dayday ku noqonaysaa ma jirto” Cadde-gude.

maalmihii u dambeeyey waan welwelsanaa oo waxa jiray dhalinyaro faro-dheer oo hubaysan, laakiinse maanta waan faraxsanahay”

Shirka jaraa’id kama muuqanin hogaamiyihii Jabhada oo magaciisa la yidhaahdo Oof-wareen.