Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo la Kulmay Sarkaal ka Tirsan Hay’adda EUCAP

Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha JSL, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa qaabiley wafti ay hoggaaminayso madaxa Somaliland ee hay’adda EUCAP Dania Coasa oo socdaal ku joogta Somaliland.

Taliyaha iyo madaxa hay’adda EUCAP, ayaa kawada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo sidii loo ilaalinlahaa biyaha Badda-cas isla markaasna looga hortagilahaa wax kasta oo dhibaato ku keeni kara biyaha Mandaqada, gaar ahaana kor-joogtaynta bad-qabka biyaha Somaliland iyo wadamada jaarka.

Taliyaha ayaa uga mahadnaqay socdaalka iyada iyo waftigeedu ay ku joogaan JSL iyo booqashada ay ku tagtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyo sida ay ciidanka ugala shaqaynayso dhinacyada kala duwan.

Gabagabadii waxay booqdeen goobo muhiim oo ay kamid ahayd xeebta lagu dabaasho ee Batalaale iyo meelo kale oo ku yaala magaalo xeebeedka Berbera.