Arday dhamaysay Jaamacad Qur’aan oo Xaflad loogu qabtay Hargaysa

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad loo sameeyay arday ka qalinjabisay Jaamacada Qur’aanka Kariimka ah ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada loo sameeyay dufcadii koobaad ee ka qalinjabisa Jaamacada Qur’aanka Kariimka ah, oo tiradoodu dhan tahay 101 arday, wax aka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici, wasiiro, xildhibaano, maamulka jaamacada, waalidiinta ardayda dhashay iyo marti sharaf kale.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa ardayda ka qalinjabisay Jaamacada Qur’aanka Kariimka ah ku hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen geedigoodii waxbarasho, waxaanu kula dardaarmay inay dadaalkooda halkaaasi ka siiwadaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Quraanka Kariimka ah, ayaa sheegay in ay tahay jaamacadii u horraysay ee ku suntan Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana laga hirgeliyay gudaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lacag la’aan wax lagu baray ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada, waxa uu intaas raaciyay in markasta ay u taagan yihiin ka jaamacad ahaan u adeegista Kitaabka ILLAAHEY.

101 arday ee maanta Jaamacada Qur’aanka ka baxay ayaa ka qalinjabiyay laba Kuuliyadood oo kala ah barashada Qur’aanka Kariimka iyo Kuuliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamiga ah.

Madaxdii iyo marti sharaftii kala duwaneyd ee ka soo qayb gashay qalinta jaamacada Qur’aanka ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay munaasibadii loo sameeyay ardaydii maanta ka baxday jaamacada Qur’aanka Kariimka, waxaaney ku dheeraadeen qiimaha barashada Qur’aanku Kariimka ahi leeyahay.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ka qalinjabisay jaamacada Qur’aanka guddoonsiisay shahaadooyinkii ay mutaysteen.