Somaliland oo laga xusay maalinta dhalinyarada Adduunka

Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka ayaa lagu qabtey Magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa xuskan ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiiradda, hay’addo iyo qaybaha kala duwan ee dhallinyarada caasimada.

1998kii, 12ka August Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay noqoto Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunk, tan iyo Mudadaasi guud ahaan caalamka waxaa laga xusaayay Maalinta dhalinyarada Aduunka, Waxaana looga hadlaa arimo badan oo khuseeya dhalinyarada.

Waxaana Sanadkaan dhalinyarada ka doodayaan oo halku dhig looga dhigey xirfadaha cagaaran iyo dhallinyarada.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi, ayaa sheegay in xooga kaliya ee maanta dalka ka jira ee noqon kara xoog, xoog waxbarasho, wax-soo-saar iyo mid xirfadeed ay yihiin dhallinyarada, waxaanu dhallinyarada ku hanbalyeeyay xuska maalinta gaarka looga dhigey ee dhallinyaradda.

Gaba-gabadii wasiirku waxa uu dhallinyarada JSL ugu baaqay meel ay joogaanba inay ka shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada si loo gaadho yoolka la hiigsanayo ee ah barwaaqada iyo horumarka, waxaanu ku booriyay inay markasta ka fogaadaan qabyaalada oo uu xusay inay bulshada kala fogayso.