𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐛𝐥𝐚𝐲𝐝𝐢𝐢 𝟗 𝐤𝐚 𝐚𝐬𝐤𝐚𝐫𝐢 𝐝𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐠𝐚𝐲𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 -(GNA)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in sharciga la horkeeno jabhada buurta Gacan-libaax oo Jimcihii weerar jidgooyo ah ku dilay 9 askri isla markaana dhaawacay 17 kale, sida uu booliisku sheegay.

Madaxweynaha oo ka qaybgalay aas Hargeysa loogu sameeyay askartii weerarka ku dhimatay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in sharciga la horkeeno cidkasta oo ku lug lahayd weerarka.

Waxaanu yidhi.”Cidii shirqoolkaa iyo dilkaa gaysatay, mid abaabulay, mid caawiyay, iyo mid gacan ka gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga siday diinta Islaanku ogoshahay la yeelo waa waajib qarankan saaran”

Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay in loo baahanyahay in loo midoobo difaaca Somaliland, isla markaana waxa uu xusay in waxwalba lagu gaadhikarayo wadatashi, wax wadalahaansho iyo isdhexgal, talo laysla ogolyahayna lagu galo doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Laascaanood xabad laga bilaabay markii la furay ururada, imikana koox kale ay xabad bilowday markii wakhtigii doorashooyinka lagu dhawaaqay, waxaanu sheegay in loo baahanyahay in la baadho xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinkan.

Kadib markii uu weerarka askarta lagu laayay dhacay Jimcihii xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in talaabo laga qaado dablayda buurta dagan, balse odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo waan waan nabadeed xalka ku raadinaya ayaa codsaday in amarka dagaalka dib loo dhigo.