Fannaankii Tuse Aw Toosiye oo ku geeriyooday Hargeysa

Waxa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa fannaankii caanka ahaa ee 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 𝗨𝘂𝗿𝗰𝗮𝗱𝗲 (𝗧𝘂𝘀𝗲) maanta oo Bisha August 8 tahay.

Geerida marxuumka ayaa lagu war helay gelinkii dambe ee maanta, iyadoo uu si bes ah u dhintay.

Waxa uu kamid ahaa shakhsiyaadka ka sii nool fannaaniinta cimrigooda lagu tiriyo labada Qarni ee 20-aad iyo 21aad.

Waxa uu caan ku ahaa Riwaayadii If iyo Aakhiro oo uu laba jeerba Xidig jillaaya ka ahaa.

Haddaba Taariikhda marxuumka oo kooban waxa qormadan soo socota ka qoray wariye Jamaal Macalin oo ka tirsan Warbaahinta Dawladda.

𝗔𝗹𝗹𝗲 ha u raxmadee 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 𝗠𝗼𝗼𝗴𝗲 𝗨𝘂𝗿𝗰𝗮𝗱𝗲 (𝗧𝘂𝘀𝗲) sannadkii 𝟭𝟵𝟱𝟮 ayuu ku dhashay degaanka 𝗫𝗮𝗴𝗮𝗹 oo tiran gobolka 𝗠𝗮𝗿𝗼𝗼𝗱-𝗝𝗲𝗲𝘅.

Wuxuu 𝘅𝗶𝗱𝗶𝗴 ka ahaa ruwaayadii la odhan jiay 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗼, halka ay xidigad ka ahayd fannaanada caanka ah ee 𝗦𝗮𝗵𝗿𝗮 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝗱.

Ruwaayadaas waxa curinteeda lahaa AHN abwaan Cali Diiriye (𝗖𝗮𝗹𝗶-𝗴𝗮𝗮𝗯). Ruwaayadaas oo soo baxday sannadlii 𝟭𝟵𝟳𝟲-kii waxa markii ugu horaysay lagu dhigay magaalada 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼. Isla ruwaayadaas waxa sagaashamaadkii lagu dhigay magaalada 𝗝𝗮𝗯𝘂𝘂𝘁𝗶.

Xiligaa ruwaayada lagu dhigay 𝗝𝗮𝗯𝘂𝘂𝘁𝗶 waxa 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 la dhigtay AHN fannaanadii caanka ahayd ee 𝗦𝗮𝗵𝗿𝗮 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰.
AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta kooxda 𝗛𝗼𝗿𝘀𝗲𝗲𝗱 oo ka mida ahaa kooxihii fanka ee jiray ka hor bur-burkii dawladii kacaanka ahayd, waxaana ruwaayadihii uu kooxdaas la dhigay ka mida haa;

𝟭. 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼
𝟮. 𝗥𝘂𝗴-𝗷𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹
𝟯. 𝗪𝗮𝗸𝗵𝘁𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗮𝗹𝗶 𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹
𝟰. 𝗪𝗮𝗱 𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗿 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗵𝗮𝗯𝗹𝗮𝗵𝗮 iyo kuwo kale.

AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 dhammaan ruwaayadaas wuxuu ka ahaa Xidig ama jilaaga kowaad.

Dhannaka heesaha 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗻𝗶𝗴𝗮 ah ee uu qaaday AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 wax aka mida heesta la yidhaa 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹, taas oo laxankana isla 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 lahaa.

Heestaas oo 𝗰𝗼𝗱𝗸𝗮 iyo 𝗹𝗮𝘅𝗮𝗻𝗸𝗮𝗯𝗮 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 lahaa waxa 𝗰𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 ama sameeyay AHN abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (𝗝𝗮𝗯𝗶𝘆𝗲), waxaanay soo baxday sannadkii 𝟭𝟵𝟲𝟵-kii.

Heestaas oo ka mida kuwa dadka qaarkii ku barteen AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 waxa ka mida ahaa ereyada ku jiray;

𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹
𝗦𝗵𝗶𝗻𝗻𝗶 𝗮𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼
𝗨𝘂𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗵𝗲𝗲
𝗔𝗺𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆𝗱𝗶𝗻 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻.

𝗔𝗹𝗹𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝗴𝗶𝗶
𝗟𝗮𝗴𝘂 𝗶𝗶𝘀𝗵𝗮𝘆𝗲𝗲
𝗔𝗱𝗵𝗮𝘅 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗴𝗮 𝗷𝗮𝗯𝗮𝘆
𝗔𝗺𝗮 𝘂𝗯𝗮𝗱 𝘀𝗮𝗻𝗼𝗼
𝗜𝗳𝗸𝗮 𝗮𝗮𝘆𝗼 𝗶𝘆𝗼
𝗜𝗻𝘁𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰 𝗸𝗮 𝘁𝗮𝗴𝗮.

𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹
𝗜𝗳𝗸𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗰𝘂𝗻𝗼
𝗞𝗶𝗶 𝗹𝗼𝗼 𝗶𝗱𝗺𝗲𝗲
𝗔𝗺𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆𝗱𝗶𝗻 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻;

𝗔𝗵𝗮𝗯𝘁𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝗴𝗮
𝗔𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮𝗯𝗮
𝗤𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗮𝗻 𝗼𝗴𝗮𝘆𝗻
𝗔𝗺𝗮 𝘂𝗯𝗮𝗱 𝘀𝗮𝗻𝗼𝗼
𝗜𝗳𝗸𝗮 𝗮𝗮𝘆𝗼 𝗶𝘆𝗼
𝗜𝗻𝘁𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰 𝗸𝗮 𝘁𝗮𝗴𝗮.

𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗨𝘂𝗿𝗰𝗮𝗱𝗲 AHN wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaashii kooxda fannaaniinta ciidanka booliska 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 ee 𝗚𝗼𝗼𝗱𝗶𝗿, taas oo ka mida kooxaha weli ah koox dhisan.

𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 AHN wuxuu caan ku ahaa magaca 𝗧𝘂𝘀𝗲 𝗔𝘄 𝗧𝗼𝗼𝘀𝗶𝘆𝗲, oo ahaa magicii uu ku jilaayay ama uu ku matalaayay ruwaayadii 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼.

𝗔𝗹𝗹𝗲 ha u raxmadee Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (𝗧𝘂𝘀𝗲) caawa 𝟬𝟴/𝟬𝟴/𝟮𝟬𝟮𝟯 ayuu ku geeriyooday magaalada 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮.