Wasiirka Gaadiidka Itoobiya oo soo gaadhay Somaliland iyo ujeedada socdaalkiisa   

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa soo dhaweeyay wasiirka gaadiidka iyo saadka dalka Itoobiya Dr: Alemu Sime.

Wasiirka soo dhaweyntiisa waxa ka qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiisa iyo safiirka Somaliland u Fadhiya dalka Itoobiya.

Waftigan ayaa mudada ay joogaan Kullamo iyo shirar la qaadan doona Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee ka shaqeeya kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale waftigu wuxuu mudada uu joogo safar shaqo ku tegi doonaa dekedda Berbera Port iyo goobaha kale ee kaabayaasha dhaqaalaha.