Maxaa u qabsoomay weftiga Somaliland ee ku sugan Tawain

Heshiiskii ganacsi ee ay wada galeen Taywan iyo Somaliland, Kaddib waxa waftigii Somaliland ee ku sugna caasimada dalka Taywan ee Taybi, waxa ay kulamo kala duwan la qaateen hay’addaha iyo goobaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalkaasi Taiwan.

Sidoo kale Weftigu waxa uu maanta kulan la qaatay ururka Baananka ee Taywan oo ay ku midaysan yihiin 62 Hay’addo maaliyadeed, oo ay ku jiraan 36 Baanan Ganacsi, laba Baan oo ah kuwa wershadaha, hal Baan oo dhoofinta iyo soo dejinta ah iyo hal Baan oo ah horumarinta Beeraha.

Weftigu waxa uu la wadaagay Midawga Baananka Taywan muhiimadda ay Somaliland u leedahay mandaqada ay ku taal oo ah goob istaraataji u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha isla markaana ay Somaliland tahay marinka Ganacsiga Afrika ee Taywan.

Geesta kale weftigu ayaa la wadaagay in dawladda Somaliland ay leedahay qaab-dhismeed sharci oo hufan oo maaliyadeed iyo kuwo maal-gashi oo siinaya maalgashadayaasha dhawrista ay u baahan yihiin, isla markaana ay Somaliland diyaar u tahay inay soo dhawayso shirkadaha iyo hay’addaha maaliyadeed ee ka socda Taiwan ee ay danaynaya inay Somaliland maalgashadaan.

Ugu dambeyn, waxa laga wada hadlay habka ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo fursadaha heshiis ka ganacsi ee Taiwan iyo Somaliland ay kala saxeexdeen.