Xog-warranka Qoreyaasha iyo Maalinta 2aad ee Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa

Hargeysa(GNA)- Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa is habsami ah uga socda Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa oo galay maalintii labaad, waxaana maanta fursad u helay inay hal-abuurkooda soo bandhigaan Qoreyaal da’yar.

Qoreyaashan ayaa qaarkood mar kale fursad u helay inay buugtooda ku soo bandhigaan Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa oo ay hore uga soo qayb-qaateen halka qaarkoodna markii u horeysay buugaag ay qoreen ku soo bandhigay Carwada caalamiga ah Buugaagta Hargeysa

Masraxa Xarunta Dhaqanka Bee Hargeysa ee lagu marti-qaaday qoreyaasha oo ay daadihinaysay Hoodo Maandeeq, waxa lagu soo bandhigay, laguna faaqiday Buugaagta Samotalis, Maan Rag Aragtaye Maskax Dumar Dhawr iyo Miisaanka Maansada oo uu qoray Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, Buugga Haleelo oo uu qoray Jaamac Karaash, Buugga Kasmo-kaab oo uu qoray Fu’aad Booska.

Waxa ay qoreyaashu si qoto-dheer u sharraxeen mucda, miisaanka iyo micnaha ay xambaarsan yihiin bugaagta ay qalinka u qaateen, waxaanay sharraxeen ahmiyadda ay bulshada u leeyihiin. Qoreyaasha oo hadalka si talan-taali ah u wadaagayey, waxa ay xuseen caqabadihii ay kala kulmeen qorista buugaagtooda oo ay ka mid yihiin raadinta xogaha, waqtiga iyo samirka.

Ugu dambeyntii, waxa ay bulshada ku dhiirigelinayeen inay xoogga saaraan horumarinta afka Soomaaliga iyo akhriska buugaagta.

Masraxa Martida Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa oo uu daadinayey Cadnaan Qabyo-tire, waxa kale oo gelinkii dambe ee maanta lagu soo dhaweeyey Qoreyaal da’yar oo Buugaag ay qoreen markii u horeysay ku soo bandhigay Carwada 16aad ee Buugaagata Hargeysa, waxaanay qoreyaashan ka mid ah Mubaarik Cabdi Siyaad oo qoray buugga Hiigsi iyo Hoggaamin iyo Xamda Siciid Cabdiraxmaan oo qortay buugga Fagaare.

Labada qoraa waxa ay si xeel dheer u qaadaa-dhigeen Micnaha ay xambaarsan yihiin Buugaagta ay qoreen, ujeeddada ay u qoreen iyo sababaha ku dhaliyey in ay Qalinka u qaataan,

Xamda Siciid Cabdiraxmaan Qoraaga Buugga Fagaare ayaa si dareen leh uga hadashay dhawr mawduuc oo buuggeda xambaarsan yahay, waxayna bulshada ku boorisay akhriska, qoraalka iyo dhuuxidda hadalka.

Dhankiisa, Mubaarik Cabdi Siyaad, ayaa sharraxaad ka bixiyey ahmiyadda uu xambaarsan yahay buuggiisa Hiigsi iyo Hoggaamin, isagoo ku dheeraaday saamaynta balwadda Qaadku ku leedahay nolosha iyo siyaabaha togan ee looga gudbi karo.

Sannad kasta, waxa Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigaa buugaag tiro badan oo ay qoraan dhalinyaro aan inta badan fursad u helin inay ku dhiirradaan ama soo bandhigaan hibooyinka hal-abuur ee ay u leeyihiin qoraalka, iyagoo fursad u hela inay Dhaqaale ka sameeyaan qoraalka buugaagtooda oo lagaga iibsado Bandhigyada Buugaagta Hargeysa.

Sidoo kale, waxa iyagana la soo bandhigay Buugaag kale oo xog iyo xiisoba lahaa. Waxa sidoo kale Falanqayn lagu sameeyay Buug kala duwan oo qoreen Qorayaal Soomaali iyo Afrikaanba isugu jira.