Wasiir ku-xigeen xilka la wareegay Somaliland

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa xilkii u kala wareejiyay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaasi Siciid Axmed Jibriil iyo wasiir ku xigeenka cusub Maxamed Cilmi Axmed.

Munaasibada xil wareejinta labada masuul ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda biyaha JSL, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Wasiirku xigeenkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in wasaarad horumarkii dalku uu ka socdo uu xilkeedii ku wareejiyo wasiir ku xigeenka cusub, waxaanu ka codsaday in uu horumarka iyo shaqada dhinaciisa qabsado.

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Maxamed Cilmi Axmed, ayaa sheegay in uu fahansan yahay shaqada Qaranka loo qabanayo, waxaanu balanqaaday in uu hawsha ka siiwadi doono halkii masuulkii isaga ka horeeyay soo gaadhsiiyay.

Gaba’gabadii wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa xilkii u kala wareejiyay labada wasiir ku xigeen, waxaanu sheegay in adeegi bulshada oo aan markaliya kala go’aynin la hayo, waxaanu xusay in ay wasaaradda joogaan shaqaale midaysan oo nidaam qudha kuwada shaqeeya.