Joogtada Guurtida oo kormeeray Saldhigyada Booliska Hargaysa

Mudanayaasha guddida joogtada ee golaha guurtida JSl, ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mida saldhigyada magaalada Hargeysa.

Guddida joogtada ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa saaka kormeer ku tagey Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, markii guddidu saldhigaasi gaadheen waxa ku soo dhaweeyay taliyaha Saldhiga dhexe iyo ciidamadii goobtaas ku sugna.

 

Guddida joogtadu waxa ay warbixin la xidhiidha xaalada maxaabiista, nadaafada saldhiga iyo tirada eedaysanayaasha ku xidhan ka dhageysteen taliyaha saldhiga dhexe, intaas kadib waxa ay kormeer ku sameeyeen xafiisyada Saldhiga, sidoo kale waxa ay soo eegeen xaalada maxaabiista ku jirta Saldhiga iyaga oo mid mid u wareystay, waxaanay u sheegeen maxaabiistu in si fiican loola dhaqmo xaaladooduna aad u wanaagsan tahay.

 

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulankii taliyaha la qaateen iyo kormeerkii ay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ku sameeyeen.

Sidoo kale guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland waxa ay kormeer ku tageen saldhiga booliska degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, waxaana warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha xaalada Saldhiga, maxabiista ku xidhan iyo nadaafadiisaba guddida uga waramay taliyaha saldhiga degmada Gacan Libaax.

Markii kulankaasi iyo kormeerka saldhigaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta warbixin ka siiyay guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Xildhibaan Dayib Xasan Axmed.

Geesta kale guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland waxa ay kormeer ku tageen saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxaanay warbixin ka dhageysteen taliyaha saldhigaasi oo xafiiskiisa ku qaabiley guddida, isla markaana uga mahadceliyay kormeerkooda.

Guddidu intaas kadib waxa ay kormeer xog ogaal u noqosho ah ugu tageen maxaabiista ku jirta Saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur, iyaga oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladooda guud.

Haddaba markii kormeerkaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta faafhaahin ka siiyay kormeerkii ay ku sameeyeen Saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, Maxaabiistii ay la kulmeen iyo xafiisyadii ay kormeereen guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xasan Axmed.