Gantaalo Ruushku ku Garaacay Lyman oo ay 8 Qof ku Dhinteen

Gantaalo uu Ruushku ku garaacay magaalada Lyman ee bariga Ukraine ayaa waxaa ku dhintay siddeed qof, iyadoo 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guri deegaan ah, dabaq ku dhegganaa oo madbacad ah, iyo saddex baabuur ay ku gubteen weerarka.

Pavlo Kyrylenko, oo ah gudoomiyaha gobolka Donetsk ee ay magaalada Lyman ku taallo ayaa sheegay in abaaro tobankii subaxnimo ee ciidanka Ruushku dhowr gantaal ku dhufteen magaalada.

Lyman, oo ah xarun weyn oo tareenada ah ayay ciidanka Ruushku horey u qabsadeen laakin bishii October ayay gacan ku heynteeda dib ula wareegeen ciidamada Ukraine.

Sarkaal ka tirsan adeegga gurmadka deg dega ah oo ku sugan magaalada uu Ruushku maamulo Oleshky ee koonfurta Ukraine oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen dab habeenkii xalay ka kacay magaaladaasi.

Ciidamada Ukraine ayaa bishii hore bilaabay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan dhulka uu Ruushka gacanta ku hayo ee bariga iyo koonfurta dalkaasi.