“Bishan wixii ka danbeeya doorashadii ayaynu galaynaa”Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in bishan wixii ka danbeeya la qaban doono doorashooyinkii mudaba la sugayay.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu dhagax dhigayay suuq cusub oo laga dhisayo goobtii uu ka gubtay suuqii Waaheen, ayaa sheegay in bishan wixii ka danbeeya la galayo doorashooyin.

Waxaanu yidhi.”Bishan wixii ka danbeeya waxaynu galaynaa howl ay ganacsatadu necebtahay, odayaashuna ka warwaraan, culimaduna ka gama gamalayso, waa doorashadii”

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dadka waayeelka ah iyo culimadu ka howlgalaan sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd si anshax iyo asluub leh, oo anay u sababi lahayn kala fogaansho iyo qabyaalad.

Waxaanu yidhi. “Hadii intii xumayd ay inoo keento doorashadu, dee waa masiibee aynu ka dayno”

Madaxweynuhu ma sheegin ta ay tahay doorashada hada dhacaysa, ee soo horaynaysa, madaama oo xukuumaddu ay hore u rabtay in doorashada ururadu soo horayso, halka mucaaradkuna ay rabeen in doorashada madaxtooyadu hor qabsoonto.

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa iyaguna dhankooda maxkamadda dastuuriga ah dib ugu celiyay in ay tasfiir ka bixiso xeerarka doorashada ee lagu muransanyahay, iyaga oo sheegay in kadib go’aanka maxkamada ay ku dhawaaqi doonaan wakhtiga doorashada.

Xukuumadda Somaliland iyo ururada cusub ayaa sheegay in ay aqbali doonaan go’aankasta oo maxkamada kasoo baxa, halka xisbiyada mucaaradku ay sheegeen in maxkamadu anay wax door ah ku lahayn khilaafka taagan isla markaana ay tahay guddida doorashooyinka in loo daayo.