Xildhibaan Faransiis ah oo booqashadiisii Somaliland gabagabeeyey

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibeda golaha guurtida JSL xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho ayaa dalka ka ambabixiyay xildhibaan Olifiyer Kaadhik oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida ee dalka Faransiis oo booqosho ku joogay Somaliland, waxaanu muudadii uu joogay kulamo kala duwan la qaatay lamaha iyo hay’addaha dowladda.

Xildhibaan Olifiyer Kaadhik oo ka mida golaha guurtida Faransiiska oo safar shaqo ku joogay JSL, ayaa maanta dib ugu laabtay dalkiisii, kadib markii uu saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ku sii sagootiyay guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Aw Xasan oo isagu markii hore dalka ku soo dhaweeyay.

Xildhibaan Olifiyer Kaadhik oo garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay ka hor intii aanu dhoofin, ayaa sheegay in dowladda JSL iyo bulshada qaybaheeda kala duwani ay si weyn u soo dhaweeyeen, sidoo kale waxa uu xusay in nabadgelyo, Dimuquraadiyada iyo kala danbeyni ay ka jirto Somaliland.

Xildhibaan Olifiyer ayaa sheegay in horumarka Somaliland ka socda uu yahay mid ay kawada qayb qaateen bulshada iyo dowladda oo isgarabsanaya, waxaanu xusay in inuu dalkiisii uu ku celin doono xogta uu hayo ee uu kala kulmay Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay inay ka qayb qaadaanayaan sidii Somaliland Ictiraaf uga helilahayd beesha caalamka.

Gaba’gabadii xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho ayaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku sii sagootiyay dhigiisa dalka Faransiiska Xildhibaan Olifiyer Kaadhik, isla markaana uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid JSL waxaanu kula dardaarmay xildhibaan Olifiyer Kaadhik in uu dalkiisa u gudbiyo qadiyada madax bannaanida Somaliland ee shacabku go’aansaday