Sool: Dhacdooyinkii ka dhacay Laascaanood lixdii bilood ee la soo dhaafay

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay waxay tafaasiil ka bixisay dhacdooyinkii ka dhacay gobolka Sool tan iyo bishii February ee sannadkan.

Warsaxaafadeedkan oo ay soo Turjuntay Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Qarankan lagu soo qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn iyo hawlgalo joogto ah oo lagu doonayo in lagu khalkhal galiyo xasiloonida mandaqada, waxaana hawlgaladaasi fulinayay ayuu warku yidhi isbahaysi ka kooban ciidammo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kooxaha argagixisada ah, maleeshiyaadkii Laascaanood iyo askartii Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Warsaxaafadeedku waxa uu tilmaamay in Isbahaysigaasi ay si badheedh ah u beegsadeen Ciidammada Qaranka ee ku sugan xudduudaha gobolka Sool iyo magaalooyin kala duwan oo Laascaanood ka mid tahay.

Warku wuxuu intaas ku ladhay in la soo xaqiijiyay in Ciidanka badda ee Puntland oo Magacooda loo soo gaabiyo PMPF isla markaana ay Imaaraadku u tababareen la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo budhcad-badeedda ee ka hawl-gala deegaannada Puntland ee Soomaaliya ay hadda ku biireen isbahaysigaas iyagoo qaatay dirays ka duwan kii lagu yaqaanay si ay u qariyaan ujeeddooyinkooda runta ah, Waxayna Ciidankaasi wataan ayuu warku sheegay laba iyo toban baabuur oo Land Cruiser ah iyagoo qorshahoodu yahay inay sii huriyaan colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood.

Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland waxay iftiimisay in Imaaraadka iyo Somaliland uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo iskugu jira arrimo ganacsi, nabadgelyo iyo mid horumarineed waxayna Somaliland sheegtay inay ka xun tahay in Ciidankii uu Imaaraadku u maalgeliyey Maamul goboleedka Puntland Somalia ay hada ku hawlan yihiin sidii ay u wiiqi lahaayeen nabadgelyada Somaliland.

Waxaa kaloo Somaliland ay xustay inay ka walaacsan tahay in colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ay ka qayb galaan Ciidan kale oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland-Somalia kuwaas oo Maraykanku u tababaray la dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, balse hadda ku hawlan weeraro ka dhan ah Somaliland.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa warsaxaafadeedkan ay maanta soo saartay waxay saaxiibbada Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaysay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si hagar la’aan ah u gudatay waajibaadkii saarnaa isla markaana iyadoo aanay Somaliland raali ka ahayn ay Ciidankeeda kala baxday Magaalada Laascaanood.

Warsaxaafadeedku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay aqbashay dhexaadintii ay waday dawladda Itoobiya, inkastoo ay Wax laga xumaado tahay in maleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascaanood aanay qaadan dhexdhexaadintaas iyo baaqyadii ka soo baxayay beesha caalamka.

Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay samaysay dedaalo badan oo ay arrintan wax kaga qabanayso hasa yeeshee ay taas badalkeeda wajahayso weeraro aan kala joogsi lahayn oo keenay inay magaalada Laascaanood qabsadaan kooxaha argagixisada iyo isbahaysigan cusub.

Gabo gabadii wuxuu warsaxaafadeedkan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigu caddeeyay in Somaliland aanay ka waaban doonin inay is difaacdo si ay u joojiso colaadaasi, waxayna beesha caalamka u soo jeedisay inay cambaareeyaan ficillada ay wadaan isbahaysigan burburinaya nabada deegaankaasi isla markaana ay Somaliland ku taageeraan dedaalka ay ugu jirto soo celinta nabadda iyo xasiloonida Magaalada Laascaanood.