Xogta Markab shan jeer ka weyn Titanic iyo dalka sameeyey

Markab shan jeer ka weyn Titanic oo la daah-furayo sanadka 2024….

Markabka ugu weyn adduunka oo lagu magacaabo “Icon Of The Seas” ayaa ku dhow inuu shiraacdo Bisha January ee sanadka 2024-ka.

Markabkan oo ay samaysay shirkad laga leeyahay dalka Finland oo lagu magacaabo Royal Caribbean International ayaa qaadi doona 5610 rakaab ah iyo 2350 shaqaale ah.

Markabka Icon Of The Seas ayaa 5 jeer ka weyn kana culus markabkii Titanic.

Xajmiga miisaankiisa ayaa ah 250,800 oo tan, halka Titanic uu miisaankiisu ahaa 50,210 ton.

Kumanaan qof ayaa isu-diiwaangeliyey inay mid noqdaan rakaabka ugu horreeya ee ku safra Markabkan, kuwaasoo goostay Tidhada lagu raacayo.