Shiinaha: Maxkamad xukun yaable ka soo saartay Dacwad ka dhalatay Doonis Qoys

Qoys u dhashay Shiinaha ayaa dacwad ku oogay nin dhinyaro ah oo inantooda guur ka doonayey, kaddib markii uu bixin waayey lacagta casuumad isbarasho oo ay qoyska isugu yimaaddeen.

Wiilkan ayaa qoyska inanta u fidiyey casuumaddan isbarashada iyo ogeysiinta doonista inanta ahayd.

Waxa uu qorshihiisu ahaa in ay u iman doonaan inanta iyo waalidkeed oo keliyi, laakiin waxaa amakaag ku noqotay markii uu hudheelkii casuumadda ugu yimid 23 qof oo qoyska inanta ah.

Markii cuntadii la dhammaystay ayaa wiilka loo keenay biilka oo noqday lacag u dhiganta 2’817 doolar, taas oo uu kaga jawaabay in uu lacagta bixinteeda ka baxsaday.

Inanta uu doonayey ayaa isku dayday in ay xaaladda dhedhexaadin ka gasho, waxa aanay wiilka u soo bandhigtay in iyady ay lacagta kala badh bixinayso isaguna inta kale bixiyo, laakiin waa uu diiday. Isaga oo ku adkaystay in uu bixinayo keliya lacag u dhiganta $562.

Ugu dambayn, qoyska inanta ayaa go’aansaday in maxkamadda ay u gudbiyaan dacwad ay ku dalbanayaan in wiilkan laga qaado lacagta.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa xiise leh in maxkamaddu ay gartii siisay wiilka, iyada oo xukuntay in xaq loogu leeyahay in uu bixiyo keliya kharashka cuntada ay cuneen isaga iyo inanta uu doonayey. Taas oo isku noqonaysay $197.

Arrintan ayaa doodo ka dhex abuurtay bulshada, laakiin sida ay ku warrantay shabakadda Sky news, Dadka Shiinaha oo ah dad dhaqan ahaan aad u urursan ayaa badankoodu ay la jiraan wiilka.

Xigasho: Kamaal Marajaan