Somaliland iyo Munaasibada Ciidal adxa

Shalay oo ahayd Maalinta Koowaad ee Munaasabada Ciidul Adxa, waxa si siman oo nabadgelyo ah looga wada Ciiday dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka JSL, iyo Wadamada Islaamka oo dhan.

Waxa Masaajidada waa weyn iyo Garoomadda Kubadda Cagta, siweyn loogu oogey Salaada Ciidul Adxa, oo ay isugu soo baxeen boqolaal kun oo ruux, waxaana Saalada kaddib muwaadiiniinta JSL, iyaga oo farxadii ka muuqato wajiyadooda ay isugu hambalyeynayeen Munaasabadda Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa, oo ah maalin qiimo badan ku leh Umadda Somaliland iyo Muslimiinta ku nool Caalamka oo dhan.

Waddooyinka waa weyn ee dhexmara gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa ah kuwo aad u mashquul badan, maadama ay dadku booqanayaan Eheladooda iyo Asxaabtooda, si ay farxada Ciida ugala qeyb qataan.

Sidoo kale goobaha loo dalxiis tago ee ku yaalla guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa maanta ka duwan maalmihi hore, maadama ay boqolaal ruux oo isugu jira Dhallinyaro, Haween, Carruur, ay tagayaan si ay damashaadka Ciida ugu soo qataan,isla markaana sawirro ugu soo galaan.

Madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dadka kala qaybgalay tukashada Ciidal-adxa ayaa ugu hanbalyeeyay qiimaha maalintani leedahay.

Maanta oo kale Muslimiinta intooda awooda ayaa gowraca Xoolo, kaddibna ku sadaqeysta dadka masaakiinta ah si farxada loo wada qeyb sado.

In ka badan 2 milyan oo Ruux oo gudanaya Xajka sannadkaan, ayaa ku ciidaya xaramka barakeysan Makka.