𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱: 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮 𝘅𝘂𝘀 𝗸𝗮 𝘅𝗮𝗺𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝗿𝗲𝗲𝗻 𝘀𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮 62 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗼 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹-𝗱𝗲𝗴𝗴𝗮𝘆 26 𝗝𝘂𝗻𝗲 2023?

𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻: 𝗞𝗵𝗮𝗱𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗠𝘂𝘂𝘀𝗲

Waxaa ka soo wareegtay 63 sanadood markii ay jamhuuriyadda Somaliland xornimadeedda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, 26-kii June ee sanadkii 1960-kii.

Xuska sanadkan ayaana si weyn uga duwanaa dhamaanba dabaal-degyadii waayadii hore ee lagu xusi jiray maalinta 26-ka June.

Waxaana sanadkan si balaadhan looga xusay guud ahaanba goboladda dalkan jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidoo kale wadamadda caalamka ee ay ku nool yihiin jaaliyadaha reer Somaliland.

Xafladii ugu balaadhnayd ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyadda jamhuuriyadda Somaliland ee caasimadda Hargaysa, habeenimadii ay ku beegnayd 63 guuradda ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadi ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa xaflado kala duwan oo 26’ka June lagu xusayay lagu qabtay qaar ka mid ah wadamadda caalamka ee Somaliland saaxiibka la ah, gaar ahaana dalalka ay ku nool yihiin jaaliyadaha reer Somaliland.

Xuska sanadkan ee 26-ka June ayaa u muuqday mid si weyn uga duwan xusaskii hore, iyadoo na uu xuska sanadkani aad uga xamaasad iyo xiisaba badnaa dabaal-degyadii hore.

Sababta keentay in xuskani uu aad uga duwanaa kuwii hore, isla markaana ka xamaasad iyo xiisaba badnaa ayaa loo aanaynayaa xaaladda haatan ka taagan dalka ee la xidhiidha dagaalka abaabulan ee ay cadowga jamhuuriyadda Somaliland ku soo qaadeen gobolka Sool.

Taasoo ay shacab weynaha jamhuuriyadda Somaliland dal iyo dibad ba kaga fal celinayeen in ay xuska 26-ka June ku muujiyaan sida ay qarankoodda u garab taagan yihiin, isla markaana ay u taageersan yihiin qarankoodda.

Munaasibadihii kala duwanaa ee lagu xusayay 63 guuradda ka soo wareegtay markii ay JSL madax banaanideedda ka qaadatay boqortooyadda UK, ee sanadkan ayaa loo arkaa mid ay guud ahaanba bulshadda Somaliland madax, masuuliyiin, iyo shacab ba ku muujinayeen difaaca qarankoodda, iyo dalkoodaba.

Waxa kale oo dabaal-degga Xamaasadiisa leh, muujinayaa koboca dareenk waddaniyadeed ee Bulshada Somaliland, iyadoo sababaha kor ku xusan darteed sanadka laga xusay 26 June dalal aan hore loogu qaban jirin xafladaha xoriyada JSL.

Koboca Waddaniyada mujtamacu waa mid tusaale u ah korriinka qanneecada iyo qadiyadda bulshada oo suullinaya raadadkii dib-u-dhaca iyo burburka ee uu Qarankani ka soo guul ka gaadhay 32 sanno ka hor, markii uu dib ula soo noqday xorninadiisii kaga luntay israacii lagu hungoobay ee dhex maray Soomaaliya dhamaadkii bishii June ee sanadkii 1960 ee kowdii July maqaar-saarka ku curtay.

Si kastaba ha ahaatee, dhoola-tuskii weynaa ee ay shacab weynaha Somaliland ku muujiyeen xuskii 26ka June, ayaa loo arkaa fariin ay u dirayeen cadowga JSL meel kastoo uu joogo, iyo nooc kastoo uu yahay ba.