𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐞𝐞𝐥 𝐦𝐚𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐱𝐢dh𝐢𝐢dh𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐚𝐚𝐣𝐢𝐫𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚

Baarlamaanka Jarmalka ayaa meel mariyay sharci cusub oo u fududeynayo dadka soogalootiga ah oo ay ku jiraan kuwa magangalyo-doonka ah in ay shaqo ka helaan dalkaas.

Dowladda Jarmalku ayaa dooneysa inay meesha kasaarto guud ahaan caqabadaha haysta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka imaanaya meelaha ka baxsan Midowga Yurub, taas oo qayb ka ah siyaayaasada Jarmalka ee ay ku dooneyso inay ku yareyso shaqaalo yaraanta kajirta Dalkooda.

Sharcigan ayaa sidookale dadka soo galootiga ah u ogolaanaya inay qoysaskooda keensan karaan Jarmalka.

Mucaaradaka ayaa ku doodaya in sharcigan uu dhiirigelin u noqon doono socdaalka muhaajiriinta ee aan kala joogsiga laheyn, halkii uu soo jiidan lahaa shaqaale xirfad leh.