𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗔𝗳𝗷𝗮𝗿𝘁𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗾𝗼 𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗰𝗱𝗮𝘆 𝗱𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗿𝗮𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta heshiish ku soo dhamaysay shaqaaqo horey uga dhacday degaanka Daarasalaam ee Waqooyiga Hargeysa, dhacdadaas oo ay ku dhinteen laba Marxuum.

Kulanka heshiiskan ayaa maanta ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, ayaa lagu saxeexay heshiish lagu dhameeyey dhacdadii degaanka Daarasalaam, iyagoo labada dhinac kagaga heshiiyey labada Marxuum in ay kala qaataan Magaha.

Xukuumadda, Waxgaradka labada dhinac ayaa ka shaqeeyay heshiiskan beelaha walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhexmartay degaanka Darasalaam oo dhanka Waqooyi ka xigga magaalada Hargeysa.

Inta badan shaqaaqooyinka dhaca ayaa salka ku haya isqabqabsiga dhulka, gaar ahaan dhul daaqsimeedka.