𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗚𝗼𝗿𝗳𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗫𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮 𝗵𝗮𝘄𝗹𝗴𝗮𝗯𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗯𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 – (GNA)Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda JSL, ayaa saaka furay kulan lagaga arrinsanayay Qabyo-qoraalka siyaasadda iyo xeerka hawl-gabka shaqaalaha dawladda oo samayntiisa ay hagaysay hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.

Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiirka degaanka, wasiirka isgaadhsiinta, wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga JSL.

Mudadii kulankani socday waxa si gaar ah loogaga hadlay qodobbo ka mid ah xeerka iyo siyaasadda, kuwaas oo u baahnaa lafa-gur ka hor inta aan la hor geynin gollaha wasiirrada si loo ansixiyo.

Shaqaalaha Dawladda Somaliland hore umay lahayn Siyaasad iyo Xeer lagu maamulo hawl-gabka, waxaana markii ugu horraysay hay’adda shaqaaluhu ku guulaysatay in ay samayso xeer iyo siyaasad lagu maamulayo, iyada oo hore u dhammaystirtay dhismaha loogu tala galay in uu hawlgabku ku shaqeeyo.

Ansixinta xeerkan iyo siyaasaddani waxa ay Somaliland ku darayaan dalalka Afrika iyo caalamka ee ku guulaystay hirgelinta nidaamka hawlgabka, gaar ahaan shaqaalaha dawladda.

Hirgelinta xeerkani waxa uu wax weyn uga dhigan yahay shaqaalaha gaadhay da’dii howlgabka ee wali Qarankooda u sii shaqeeya.