Somaliland oo shaacisay Wakhtiga Imtixaanka shahaadiga ah

𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 ayaa 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗾𝗱𝗮𝘆 𝘅𝗶𝗹𝗶𝗴𝗮 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆𝗼 𝗜𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo hoose oo ay sanad waliba qaado dowladda Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sarre iyo ka sideedaad ee dugsiga hoose la qaadi doono 17-ka bishan June ee sannadkan 2023-ka.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu faray dhamaan ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda inay u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka hadhsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 4-aad iyo 8-aad.

Sanad kasta marka la gaadho bisha June ayay qaada dowladda Somaliland Imtixaanka Shahaadiga ee fasalada afraad iyo sideedaad ee dalka.