Somaliland: Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo loo gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah

Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ayaa u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah  dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay ku eeddeysay inuu galay dambi qaran.

Galka eedda Xafiiska Xeer-ilaalinta ee lagu oogay Guddoomiye Khaliif, ayaa waxa ka jawaabay oo warqad yeedhmo ah u diray Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka, taasoo muddo todoba casho ah u qabatay inuu kaga soo jawaabo eeddaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa shaqada uga maqnaa bilihii u dambeeyey xaalada ka taagan magaalada Laascaanood.

Maxkamada ayaa qaraarka yeedhmada u cuskatay qodobka 79-aad ee Dastuurka Qaranka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiyaha Golaha wakiillada.

Xaashida eedda loo jeediyey guddoomiye Khaliif: