Somaliland oo daah-furtay Sumada Qaranka

𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝘄𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮 𝘁𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗵𝗳𝘂𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗦𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗧𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟.

Munaasabadda Daahfurka Summadda tayeedka Qaranka ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno, agaasimayaal guud, xildhibaanno mufan iyo martisharaf, aqoonyahan iyo guud ahaan shaqaale-weynaha hay’adda Dhawrista Tayada.

Waxa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa warshado door ah oo ka mid ah warshadaha wax-soo-saarka ee dalka ku yaalla.

Masuuliyintii kala duwana ee daahfurka munaasibadan ka soo qaybgalay ayaa ka hadlay ahmiyada ay Qaranka u leedahay bixinta sumad tayeedka, taas oo la siin doono dhammaan warshadaha wax-soo-saarka ee dalka ku yaalla ee buuxiya shuruudaha hay’addu ku bixiso summad tayeedka qaranka.

Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Mukhtaar Maxamed Cali, oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay ujeedka ay hay’addu ka leedahay bixinta Summad Tayeedka Qaranka iyo weliba ahmiyadda Summadda Tayadu ay u leedahay warashadaha qaadanaya naf ahaantooda.

Gaba’gabadii xafladda waxa halkaas lagu guddoonsiiyey Shaadada Summada Tayada Qaranka labadii warshadood ee ugu horreeyey oo kala ahaa warshadda biyaha ee Durdur iyo warshadda kalluunka ee Somtuna.

Labadaas warshadood oo hay’adda Dhawrista Tayadu ay u aqoonsatay in ay buuxiyeen dhammaan halbeeggii iyo shuruudihii looga baahnaa ee summad tayeedka Qaranka.