Somaliland:Wasiir looga fadhiga Golaha Guurtida

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗯𝗱𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝘄𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝘂 𝗵𝗼𝗿 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗼𝗼𝗱𝗮.

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaalada guud ee caafimaaadka dalka, waxaanay sheegeen in adeegbixinta caafimaad ee dhakhaariirta dalku liidato.

Waxa ay xuseen in adeegbixinta caafimaad ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa aanay wanaagsanayn, sidoo kale waxa ay tilmaameen in daawooyinka lagu iibiyo Farmasiiyadu aanay ahayn ahayn kuwa ku habboon, waxa ay intaas ku dareen in aanay jirin talaagadihii qaboojinlahaa doowooyinka dadka la siinayo, waxaanay soojeediyeen in wasiirka caafimaadka looyeedho.

Geesta kale xildhibaanadu waxa ay walaac ka muujiyeen qaliinada aan loo meel dayin ee lagu sameeyay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanay hoosta ka xariiqeen in goobaha caafimaad loo furtay in laga ganacsado kaliya.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xoghayaha guud ee golahaasi ku wargeliyay in uu qoro waraaq loogu yeedho wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi.