Daraasad ku saabsan Maamul-wanaaga hay’addaha Dawladda

𝗗𝗲𝗿𝘀𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗤𝗶𝗶𝗺𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗵𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹 𝗪𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗲𝗲 𝘄𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗮𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝗮 𝗯𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻.

 

Komishanka Maamul Wanaaga oo sii wada Hawlgalladiisii Qiimeynta iyo Dersida Nidaamka Maamul Wanaagga ee Hay’ddaha Dawladda ayaa maanta kulan la yeeshay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan iyo ku xigeenka Hay’ddaasi Mudane Sharmaarke Ismaaciil.

Kulankan ayaa ibo fur u ahaa kormeer iyo Baadhis Komishanka Maamul Wanaaggu ku dersayo hanaanka shaqo iyo adeeg bixineed ee Haay’adda Duulista iyo Madaaradda JSL.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wannaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka hadlay ujeeddada qiimeynta iyo daraaseynta ugu samaynayaan Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dawladda, waxaanu sheegay in baadhistan iyo qiimeyntani ay tahay mid dhinaca maamul-wannaagga ah oo Komishan ahaan ay ku doonayaan in ay ku qiimeeyaan hannaanka shaqo, maamul iyo adeeg bixineed ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu xusay in qiimeyntani ay qayb ka tahay waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayo Komishanka Maamul-wannaagu, sida uu qeexayo qodobka 6-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer Lr 58/2012 ee uu ku aasaasanyahay Komishanku.

Ugu danbayn Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda iyo Maareeye Ku Xigeenka Hay’addaasi ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin in la helo Maamul Wanaag iyo nidaam toosan wixii ka soo baxa ee talo iyo toosinba ahna baadhista iyo qiimaynta uu wado komishanku ay hirgalin doonaan.