Berbera: Taliska Dab-damiska oo kormeeray Kaalmaha Shidaalka

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaxili iyo saraakiil u hogaaminaayey ayaa kor meerey ku tegey kaalmaha shidaalada magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Booqashadooduna wexey ku saabsaneyd ugu kuur gelida nidaameed ee dhinaca nabad gelyada iyo haysashada qalabka dabdeminta iyo bedqabkooda iyo iney ku qaateen tababar.

Sidoo kale waxaa ciidamada Dabdemisku kulamo la qaateen maamulka gobolka oo ay ugu horeeyaan Badhasaabka gobolka Axmed Maxamed Xaashi, Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud,xoghayaha dawlada hoose Suheyb Mohamed Cali iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada dawlada hoose Maxamed Cali Caabi waxaana kulamadaasi daarnaayeen sidii wadajir looga shaqayn lahaa ka hortagga aafada dabka.

Waxaa iyaguna goobjoog ahaa Mulkiilayaasha kaalmaha shidaalka oo halkaa awaamiir iyo digniino ku saabsan habka badbaadada kaalmaha shidaalka lagu siiyay.

Taliyaha ciidamada Dabdemiska iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kormeer ku soo maray xarunta ciidamada Dabdemiska magaalada Berbera, waxaanuu ku bogaadiyay heeganka ay markastaba ku jiraan gaar ahaana wuxuu ku bogaadiyay hawlgalkii shalay ay ku badbaadiyeen kaalinta shidaalka iyo sidii nafhurka lahayd ee ay u xakameeyeen dabkaas.

Ciidamada dabdemiska qaranku wexey had iyo goorba ku hawl jiraan dadweynaha sidey uga wacyi gelin lahaayeen khataraha Waxyaabaha dabka dhaliyo iyo sidii looga hor tegi lahaa.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba.