Erdogan oo rajeynaya inuu xukunka sii joogo, kaddib natiijada hordhaca ah

ANKARA —(GNA) Doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha Turkiga oo horseedi karta in Tayyib Erdogan in uu xukunka dalkaasii sii dheereysto ayaa ka socota Turkiga, taas oo uu kaga hortagayo hoggaamiyaha axsaanta mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Codbixinta ayaa bilaabatay 8-dii subaxnimo ee xiliiga Turkiga, waxayna dhammaan doontaa 5 galabnimo.

Waxaa la filayaa in natiijadu si cad u baxdo fiidkii hore ee wakhtiga maxaliga ah.

Goobaha codbixinta ayaa lagu soo waramayaa in meelo badan ay ka saxmad yar yihiin laba todobaad ka hor, markaas oo dadka u soo baxay ay ahaayeen 89%.

Erdogan, oo 69 jir ah, ayaa ku dhawaad 5% ku hoggaamiyay ninka la tartamayey Kemal Kilicdaroglu wareegii koowaad ee doorashadii 14-kii May, laakiin waxa uu wax yar ka hoos maray inuu ka fogaado wareeg labaad.

Erdogan ayaa si lama filaan ah u soo bandhigay awoodda uu ku dhex leeyahay codbixiyeyaasha, isaga oo guul kasoo hooyay doorashadii baarlamaanka ee isbahaysigii xisbiga AK Party oo ku guuleystay aqlibiyadda Baarlamaanka.

Codbixinta ayaa bilaabatay 8-dii subaxnimo (0500 GMT) waxayna dhammaan doontaa 5 galabnimo (1400 GMT).

Waxaa la filayaa in natiijadu si cad u bilaabato fiidkii hore ee wakhtiga maxaliga ah.

Goobaha codbixinta ayaa lagu soo waramayaa in meelo badan ay ka saxmad yar yihiin laba todobaad ka hor, markaas oo dadka u soo baxay ay ahaayeen 89%.

Taageerayaasha Erdogan ayaa isugu soo baxay iskuul u dhow gurigiisa oo ku yaalla dhinaca Aasiya ee Istanbul, halkaas oo uu ka codeeyay abaaro duhurnimadii maantaa, ka hor inta uusan la hadlin dadkaasi.

“ILLAAHEY idamkii wuu guuleysanayaa, dalka waxaa ka jira dhibaatooyin badan, laakiin haddii qof uu xallin karo wuu awoodaa Erdogan,” ayay tidhi Nuuran oo ka mid aheyd dadkii u codeeyay Erdogan.

Reuters.