Somaliland oo si weyn looga xusay munaasibada 18 May

Hargeysa – Gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa laga xusay munaasibada 18 May oo ku beegeen 32 sanno kahor markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka noqotay midowgii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.

Dabaaldagyada oo ka dhacay dhamaan degmooyinka iyo gobollada Somaliland ayaa waxa ugu waynaa dabaal daga magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, salaan kaga qaatay ciidamada kala duwan.

Dabaaldagyada ay dhigayaan shacabka Somaliland ayaa soo socday ilaa curashadii bishan May, iyadoo dhallinyaro kumanaan ah oo ku labisan calanka Somaliland ay isku soo baxyo ka dhigayeen fagaarayaasha magaalooyinka waa wayn.

“Shacabka Somaliland meel ay joogaanba maxay kaga duwantahay tani, maxay dhallinyarada Somaliland u seexan waayeen habeenadii u danbeeyay, waxay joogaan raadkii awawyaashood iyo abayaashood oo ah, ma nihin dad dagaal loogu soo hunguroodo” Madaxweyne Biixi ayaa sida yidhi.

Xuska munaasibada ayaa waxa kale oo kasoo qaybgalay wufuud ka socotada dowladaha jaarka iyo dubulumaasiyiin kale.