Guddi Guurti ah oo loo xilsaaray shaqaaqo ka dhacday Togdheer

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi u saaray xalinta shaqaaqada degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer.

 

Guddoomiyaha guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddi ka kooban 9 xubnood u saaray xalinta shaqaaqo ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer laba beelood oo walaalo ah, waxaanu xusay in guddidaasi ay si deg deg ah u bixi doonaan, isla markaana ay qaadan doonaan doorkii guurtidu ku lahayd xalinta khilaafyada beelaha walaalaha ah.

 

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu bulshada degaanka Cali Saahid ka codsaday in ay qoriga dhigaan oo ay nabada qaataan, isla markaana aqbalaan waxkasta oo horseedi kara in uu dhammaado khilaafka halkaas ka jira.

 

Geesta kale waxa uu sheegay guddoomiye Saleebaan in Garaadada gobolka Sool ay xidheen dariiqkasta oo nabad iyo wada hadal lagu doonayay, waxaanu ka codsaday in ay furan wada hadalada ay xidheen, sidoo kale waxa uu bulshada gobollka Sool, ka codsaday in aanay ka maqnaanin dabaaldega munaasibada 32 guurada 18-ka May, maadama oo ay qayb ka ahaayeen dhismaha dowladdnimada Somaliland.

Gaba’gabadii waxa uu bulshada Somaliland ku hanbalyeeyay xuska 18-ka May, waxaanu ka codsaday in isugu soo baxaan weyneynta maalintan, waxaanu kula dardaarmay ilaalinta nabadgelyada.