Hargeysa: gorfeynta Mashaariicda Baanka Adduunka

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay Kulan lagu gorfaynayey mashaariicda uu Baanka Aduunku ka hirgeliyay Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan hawleed lagu gorfaynayay mashaariicda kala duwan ee baanka adduunku ka hirgeliyay Somaliland iyo sida ugu wanaagsan ee Somaliland uga faa’idaysaynlahayd.

 

Waxa daahfurka munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiiradda wasaaraddaha mashraaciida uu maalgeliyo baanka adduunku qaybta ka ah, ee Qorshaynta, biyaha, beeraha,degaanka, waxbarashada, isgaadhsiinta, caafimaadka, tamarta iyo guddoomiyayaasha hay’adda shaqaalaha iyo maamul wanaaga iyo marti sharaf kale.

 

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in 14 mashruuc oo baanka adduunku hirgelintooda leeyahay, uu warbixintooda la wadaagay baanka adduunka.

 

Sidoo kale waxa uu xusay in baanka adduunku uu Somaliland u yahay kaalmeeye mihiim ah, isla markaana ay Somaliland ka hesho dhaqaale fara badan, waxa uu intaas ku daray in ay Somaliland u maalgeliyaan mashaariic u dhiganta 123-milyen oo dollar.

Geesta kale waxa uu sheegay in daahfurka kulankani uu yahay mid koobsanaya inta hay’addood ee ka faa’idaysata mashraaciida baanka adduunka, ujeedada kulankuna ay tahay si loo qaybsado waayo-arragnimada wasaaraddahaas iyo hay’addahaas dowladeed, iyo wax la iska weydiiyo mashaariicda baanka adduunka kuwa Somaliland ay qaybta ka tahay iyo kuwa aanay ka ahaynba.