Dadka Turkiga oo beri u dareeri doona Doorasho Isha lagu hayo

TURKIGA: 64-milyan oo codbixiye oo Bari axada u dareeri doona goobaha codbixinta Dooraahada Madaxweynaha iyo baarlamaanka

Shacabka Turkiga ayaa Maalinta Axadda ee 14-ka May, u dareeraya goobaha codbixinta ee doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Saddex musharax ayaa ku hadhay tartanka madaxtinimada.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo labaatankii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayay siyaasadda Turkiga, ayaan waligiis u muuqan mid aad ugu nugul loolanka mucaaradka.

Erdogan waxa uu sii xoojiyey awoodiisa, waxa uuna dalka u jiheeyey Horumar balaadhan .

Doorashada ayaa lagu wadaa iyadoo ay jirto hoos u dhac dhaqaale oo curyaamiyay iyo sicir barar xoogan iyo sidoo kale dhulgariir baโ€™an oo dhacay bishii February.

Erdogan iyo Kilicdaroglu ayaa ah musharixiinta ugu cad cad ee loolanka madaxtinimada. Hal musharax ayaa ka tanaasulay Khamiistii, taasoo ka dhigtay doorashada mid saddex geesood ah.

Doorashadani waa mid xiiso iyo xammaasad badan, Waxay kusoo beegmaysaa 100 sano guuradii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, kadib markii Dagaalkii 1aad ee Adduunka ay ku burburtay Boqortooyadi Cusmaaniyiinta oo Turkiga iyo meelo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub maamuli jirtay.